QISO XIKMAD BADAN: wiil yar iyo wadaad caalim ahaa
waxaa jirey wiil dhalinyaro ah oo sheydaan was-waasiyey
kuna jahwareerey seddex su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka, wuxuuna
go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas
asagoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan
jawaab waafi ah.
wiilkii ayaa wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaan ayeey aheyd:-
wiilka:- shiikhow waxaan rabaa inaad iiga jawaabtid seddex su'aal oo madaxa iga
wareerisey ? Shiikhii:- i weydii waxaan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo
insha allah, wiilkii:- shiikhow..
1-ILLAAHAY ma
jiraa? haduuse jiro i tus ILLAAHAY ?
2-Qadarta ma jirtaa?
3- Sheydaanka naar ayaa laga abuurey
ILAAHAYNA waxuu noo sheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameysan
uu wax uga tari karaa dab kalle ? in dab haddii lagu daro dab waxba
iskama qaadaayaane??!!!.
shiikhii ayaa la yaabey wiilka
su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaax xoog badan ku dhuftey. wiilkii ayaa
yiri: -"shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u
xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey:- "ma aanan xanaaqine ee
dharbaaxshada aan kugu dhuftey waxey jawaab u tahey seddexdaadii su'aalood oo
dhan !!" wiilkii oo yaaban baa yiri;-"shiikow kuma fahmine ii
faahfaahi ?
JAWAABTII KOWAAD: shiikii yaa yiri:
"dharbaaxadan markaan kugu dhuftey maxaad dareentey?.
wiilkii baa yiri:- "aad baan u
xanuunsadey?.
shiikhii baa ku jawaabey:-
"xanuunka aad dareentey i tus siduu u egyahey?.
" wiilkii baa yiri
;-"shiikhow xanuunka waa la dareemaa mooyee lama arko ".
shiikhii baa yiri "jawaabtii
koowaad waa taas ee ILAAHEY lama arkee waa la dareemaa."
JAWAABTII LABAAD:- shiikhii yaa yiri:-
"Xaley miyaad ku riyootey anigoo ku dharbaaxaayo?.
wiilkii:- "maya waligeeyna
kuma riyoon midaas".
shiikhii:- "hadaba qadarta
waa taas oo way dhacdaa, qadar kuu qoran bey aheyd inaan ku dharbaaxo !!".
JAWAABTII SEDDEXAAD:- shiikhii;-
"gacanta ku dharbaaxdey oo ku xanuunjisey, maxey ka sameysan tahey?.
jirkaaguna muxuu ka sameysan yahey? ".
wiilkii:- "gacantaada waxey
ka sameysantahay maqaar, korkeygana maqaar ayuu isna ka sameysan yahay " .
shiikhii:- "hadaba sideey
dharbaaxadeydu kuu xanuunjisey iyadoo ka sameysan maqaar jirkaagana ka sameysan
yahay maqaar ".
SUBAHAANALLAH waa jawaab waafiya
runtii........ wiillkii oo aad u qanacsan walibo la yaaban xikmada shiikha ayaa
u mahadceliyey, sidaasu ku qancey.